Dagaal Beeleedyo soo noq noqdey oo Ka Dhacay Deegano ka tirsan Gobolka Gedo oo Khasaare Dhaliyey

5

Wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad daganaasho la’aan ah ay weli ka jirto deegaanada hoostaga degmada Luuq, halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaano u dhexeeya degmada Luuq iyo deegaanka Yurkud, wuxuuna ahaa mid si xooggan la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 4 qof, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dagaalka uu si iskood ah u istaagay balse wali ay jirto cabsi dagaal kale oo dhaca, maadaama maleeshiyaadka labada dhinac ay weli is horfadhiyaan iyaga oo hub uruursanaya.

Mabadoon Cabdi Muuse Cusmaan, oo kamid ah odayaasha deegaanka, ayaa sheegay in dagaalku saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan colaadda oo ay wadahadal galaan.

“Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhacaysaa dadka shacabka ah, guryaha ayaa gubtay, ganacsigii waa istaagay, dadka qaarkoodna waa barakaceen,” ayuu yiri Mabadoon Cabdi Muuse.

Degaanka Luuq iyo nawaaxigiisa ayaa dhowr jeer oo hore marti u noqday dagaalo beeleed, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Beelaha shalay dagaalamay ayaa la sheegay in ay horey u dhexmareen dagaalo kale oo keentay khasaare isdaba joog ah, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal waara.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin dagaalkan ugu dambeeyay, hase yeeshee shacabka ayaa dalbanaya in la soo farageliyo si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqda.