Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka aan la siin doonin fiisaha dalxiiska iyo shaqada sanadka 2026, sida lagu sheegay wareegto cusub oo ka soo baxday waaxda socdaalka dalkaas.
Soomaaliya ayaa noqotay mid ka mid ah dalalka dhowr ah oo laga mamnuucay in ay codsadaan fiisaha Imaaraadka, iyadoo xayiraaddan ay tahay mid ku meel gaar ah, lagana yaabo in dib loo eego mustaqbalka.
Dalalka kale ee la mamnuucay waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Yemen, Liibiya, Lubnaan, Bangladesh, Suudaan, Ugaanda, iyo Kameruun.
Mamnuucistan ayaa timid xili xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo iska kaashanaya dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Imaaraadka Carabta ayaa danaha dhaqaale iyo amni ka leh Soomaaliya, iyadoo shirkado ka socda dalkaas ay maalgashi ku sameeyeen dekadaha Boosaaso iyo Berbera, waxaana sidoo kale ay taageero siiyaan ciidamada iyo hay’adaha dowladda Federaalka.
Inkastoo aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo dowladda Imaaraadka ka bixisay sababta rasmiga ah ee xayiraadda, ilo kala duwan ayaa tilmaamaya in arrintu ay la xiriirto amniga gudaha, xasillooni darrada dalalkan ka jirto iyo siyaasadda socdaalka ee la xiriirta la-tashiyo diblomaasiyadeed iyo xaalado caafimaad.