Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya ay haystaan in ka badan 10 milyan oo qof, kuwaas oo aan la ogayn qaabkii ay u heleen.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda ay saxeyso habka baasaboorrada lagu bixiyo. Wuxuu amar ku bixiyay in kaarka aqoonsiga qaranka (NIRA ID) lagu xiro dhammaan adeegyada dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, halkii laga isticmaali lahaa baasaboorka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa digniin adag u diray hay’ad kasta oo diida fulinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isagoo sheegay in qof kasta oo ka horyimaada hirgelintiisa loo aqoonsan doono “dambiile qaran.”
“Hay’ad dowladeed ama ganacsi, qofkii fududeeya in aanu dhaqan-galin kaarka aqoonsiga qaranka, ha ogaado waa dambiile qaran. Argagixisada ayuu waddo u fududeeyay, tuugada ayuu waddo u fududeeyay, ajaanib sharcidarro ku jooga dalka ayuu u sahlay joogitaankooda,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in mustaqbalka qof aan wadan kaarka aqoonsiga uu waayi doono xuquuqdiisa muwaadinnimo, isla markaana adeeg kasta oo dadweyne lagu heli doono aqoonsiga qaranka.
Tan iyo markii adeeggan la hirgeliyay, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay qiyaastii nus milyan qof, hase yeeshee madaxweynuhu wuxuu xusay in la rabo in ugu yaraan 20 milyan oo Soomaali ah ay qaataan.
Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli diidan hirgelinta aqoonsiga NIRA.
Qariye Yaxye Soofe