Dib u dhac ku yimid Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BFS.

2

Waxaa dib u dhac ku yimid Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qorshuhu ahaa inuu beri ka furmo Muqdisho.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada ku wargeliyay inuu dib u dhac uu ku yimid waqtigii loo madalsanaa in la furo kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, kaas oo markii hore loo asteeyay 20-ka bishan.

Fariin loo diray xildhibaanada ayaa u qorneed sidan ” Xildhibaanada Sharafta leh, Kulankii furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan u madlaneyn berito oo Sabti ah, taariikh 20ka Sebteembar 2025, waxaa dib loogu dhigay 29ka Sebteembar 2025, codsi inooga yimid Madaxweynaha daraadiis.”

Ma cadda sababta rasmiga ee loo baajiyay Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo dalab ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Wariye yaxye Soofe