Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dowlad-goboleedyada aan ka qaybgalin wadatashiyada siyaasadeed ee dalka in ay ku kalsoonaadaan wakiillada iyo masuuliyiinta ku metela Dowladda Federaalka ee u fadhiya labada gole baarlamaan, xukuumadda, iyo hay’adaha kale ee qaranka.
Wuxuu intaas ku daray: “Danta Soomaaliya, mustaqbalka dalka iyo aayaha dadka Soomaaliyeed, qof gaar ah oo leh ‘anaa diiday’ ama ‘anaa yeelay’ ma go’aamin karo.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay tahay dowlad loo dhan yahay, aysanna diyaar u ahayn inay dhegaysato qof bannaanka ka qaylinaya oo rabitaankiisa gaar ah ku socda.
Waxa uu sheegay in dalka uu horey u socdo isla markaana lagu dadaalayo dhameystirka dastuurka.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay wax ka yar hal sano, isla markaana aysan weli jirin heshiis siyaasadeed oo lagu mideysan yahay oo sheegaya in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, xilli ay weli ka maqan yihiin geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka labada dowlad-goboleed ee ugu miisaanka culus.