Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, oo ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa si kulul weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta qaarkood, isagoo ku eedeeyey inay u shaqeeyaan dano shisheeye iyo ajandayaal dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu waligiis diiday in lagu eedeeyo inuu xiriir la leeyahay dalal shisheeye ama in ajandayaashooda gudaha dalka lagu fuliyo, isaga oo xusay inaysan jirin wax sal iyo raad leh oo arrintaas la xiriira.
“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waligeed eber laguma farmuuqin inay dalal shisheeye xiriir la leedahay ama ajandayaal shisheeye oo dalka ka fulinaya,” ayuu yiri Lafta Gareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan dano shisheeye iyo inuu dalku u baahan yahay midnimo iyo xasillooni si loo horumariyo.