Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay dhalinyaro u geftay Madaxweyne Xasan Sheekh

4

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan iney aflagaado iyo gef u geysteen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Afartaan dhalinyarada ah ayaa xabsiga la dhigay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim.

Ragaan dhalinyarada ah ayaa barta Tiktok ku baahiyay muuqaal anshax daro ah oo si cad loogu gefayo madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in la horkeeni doono Maxkamada awooda u leh kiiskooda.

“Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri  war qoraal ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sidoo kale ugu baaqay in bulshada ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, waxaana Booliisku uu ku hanjabay in cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah loogu in laga qaadi doono talaabo adag oo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyntii xariga ragaan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii u dambeeyay baraha bulshada si weyn loogu dhex arkaayay muqaalo anshax daro ah oo loogu gafaayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.