Wasiir Dirir ” Madaxweyne Deni ayaa samatabixin doona dawladnimada Soomaaliyeed”.

3

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Puntland, Caydiid Dirir, uu sheegay in dalka u baahan yahay hoggaan dhab ah oo la hubo waxqabadkiisa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aanay jirin cid kale oo samatabixin karta dawladnimada Soomaaliyeed, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

“Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed. Xilligan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa hadalkiisa ku daray weedha:

“Dabki baxayaa dab lagu qabsadaa. Dowladda Puntland, gacana difaaca, gacana horumarka, waxay diyaar u tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed.”