Feeryahanada caanka ah ee Soomaaliyeed Ramla Said Ahmed Ali, oo loo yaqaan Ramla Ali, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay guulo waaweyn ka gaartay tartamada feerka caalamiga ah.
Ramla oo ku dhalatay magaalada Muqdisho 16-kii Sebtembar 1989, isla markaana heysata dhalashada UK, ayaa caan ku noqotay dadaalkeeda iyo guulaha ay kasoo hoysay cayaaraha feerka, iyada oo matalaysay magaca Soomaaliya, Ilaa iyo hadda, waxay ka qayb gashay 11 tartan oo feer ah, kuwaas oo ay 9 kamid ah ku guuleysatay.
Markii ay soo gaartay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, dadweyne, iyo taageerayaal badan oo muujinayay farxadooda iyo taageeradooda.
Ramla oo la hadashay warbaahinta, ayaa u mahadcelisay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay soo dhaweynteeda, iyadoo sheegtay in guusheedu aysan aheyn mid shaqsi ah oo kaliya, balse ay tahay dhiirrigelin iyo tusaale u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha doonaya in ay ka qeybqaataan ciyaaraha.
“Waxaan rabaa in aan kor u qaado feerka gudaha Soomaaliya, isla markaana aan dhiirrigeliyo gabdhaha Soomaaliyeed in ay riyadooda raacaan oo ay ka mid noqdaan cayaaraha,” ayay tiri Ramla Ali.
Ramla Ali ayaa lagu tilmaamaa halyey cusub oo matalaysa horumarka iyo awoodda haweenka Soomaaliyeed, iyadoo rajo weyn laga qabo in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan feerka.