Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee ay maamulka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar, gaar ahaan magaalada Doha.
Golaha Wasiirradu waxa uu ku adkeystay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana ay si cad uga soo horjeeddo dhammaan xadgudubyada iyo gardarrada ka hor imaanaya xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.
Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka, iyo tayada hilibka dalka.
Sharcigan cusub ayaa muhiim u ah ilaalinta caafimaadka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha xoolaha, isagoo ka tarjumaya dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ammaanka cuntada iyo wax soo saarka gudaha.