Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyada u xilsaaran tahay danaha iyo wakiilnimada dalka Soomaaliya ee DRC, islamarkaana ay lama filaan ku noqotay safar uu safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ku tegay magaalada Kinshasa.
Safarkaas ayaan wax xog ah lagala soo wadaagin safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, taas oo ay ku tilmaantay mid ka baxsan xeerarka diblumaasiyadda iyo nidaamka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay inuu magaalada Kinshasa, u tagay wadahadallo muddo sanad ah u socday safaaradda DRC ee fadhigeedu yahay Nairobi iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan.
Khilaafkan ayaa muujinaya is-afgaranwaa ku saabsan cidda dowladda federaalka Soomaaliya u xilsaaran danaha dalka Soomaaliya ee DRC. Wasaaradda arrimaha dibadda DFS oo ay ka tirsan yihiin safaaradahan ayaa weli ka hadlin khilaafka ka dhextaagan labada safaaradood.