Laba Guddi oo Koongaraska Maraykanka u qaabilsan Ka hortagista isbalaadhinta Shiinaha, ayaa codsi u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, iyagoo ka dalbaday in Somaliland si gaar ah looga sooco Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lala sameeyo xidhiidh gaar ah.
Guddiyadani waxay sheegeen in kala saaristaasi ay ka tarjumayso xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira gobolka, isla markaana ay calaamad u noqonayso taageerada ay Somaliland siisay Taiwan, iska caabbinta Shiinaha, iyo iskaashiga ay la leedahay Mareykanka.
“Somaliland waxay iska caabisay saameynta Shiinaha ee ku faaftay Geeska Afrika, waana mid ka mid ah laba dowladood oo kaliya oo Afrika ah oo aqoonsaday Taiwan. Adkaynta iskaashiga lala yeesho Somaliland waa tallaabo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ammaanka iyo danaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Geeska Afrika, isla markaana lagu wiiqayo joogitaanka sii kordhaya ee Beijing ee gobolka” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay guddiyadan.
Warqadda lagu codsaday arrintan ayaa xustay in Somaliland muddo soddon sano ka badan ku guuleysatay inay nabad iyo xasillooni ka dhigto dhulkeeda, iyadoo ka hortagtay argagixiso, budhcad badeed iyo tahriibka. Taasi ayaa lagu sheegay inay ka dhigayso mid si cad uga duwan xaaladda colaadeed ee ka jirta Soomaaliya.
Sida ku cad qoraalka guddiyadan, hadii Washington wada shaqayn gaar ah la yeelato Somaliland waxay dhiirrigelin u noqondoontaa ganacsiga iyo maalgashiga, gaar ahaan khayraadka dabiiciga ah, oo ay ku jiraan macdanta muhiimka ah sida lithium iyo copper oo ay Somaliland dhawaan usoo bandhigtay Maraykanka. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in la kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya marka ay noqoto arrimaha socdaalka.
Warqadda loo diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale tilmaantay in Shiinaha iyo xulafadiisa sida Xuutiyiinta ay saameyn ku leeyihiin gobolka, halka Somaliland ay la safatay Taiwan iyo dalalka taageera Heshiisyada Ibraahiimiyada (Abraham Accords).
Waxaa lagu xusay in maamulka Washington uu horay u qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo xidhiidhka Hargaysa sida booqashadii uu Hargeysa ku tegay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Richard Riley, iyo taliyihii hore ee AFRICOM, Gen. Michael Langley.