Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Amb. Suleiman Dedefo, ayaa si kulul u weeraray Ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo ku eedeeyay in ay u adeegayso danaha Masar gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Itoobiya, gaar ahaan arrinta la xiriirta biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).
Ambassador Dedefo oo qoraal adag ku baahiyay bartiisa X (horey loogu yiqiin Twitter) ayaa si weyn u su’aal iskaga weydiiyay doorka iyo ujeedka ururka Jaamacadda Carabta loo aas aasay, waxaaana uu tilmaamay in Shaqooyin ka badan midda dhaliisha Ethiopia ay u taalo.
“Ma Jaamacad Quruumo Carbeed baa mise waa Jaamacadda fulisa siyaasadda Itoobiya-diidka ah ee Masar?” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Waxa uu intaas ku daray in Jaamacadda Carabta ay iska indha-tirayso dhibaatooyinka ka jira dalal xubno ka ah, kuwaas oo la daalaa-dhaca dagaallo, barakac, iyo gaajo, halka ay si joogto ah diiradda u saarayso qorshaha Itoobiya ee isticmaalka biyaha.
“Maxay Jaamacadda Carabtu arrimaha biyaha Itoobiya uga dhigeysaa ajendaha joogtada ah, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin badan oo u baahan in la xalliyo? Maxay sharci ama gar ah ugu leedahay in ay Itoobiya u sheegto in ay oggolaansho ka raadsato Masar si ay ugu faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah?” ayuu yiri Dedefo.
Danjiruhu waxa uu sidoo kale sheegay in Jaamacadda Carabta ay si cad u muujisay in aysan si dhab ah u matalin dhammaan waddamada xubnaha ka ah, taasoo ku tusinaysa u janjeerka dhinaca Masar.
Hadalkan ayaa imanaya xilli khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar uu weli taagan yahay, gaar ahaan arrimaha la xiriira biyo-xireenka GERD oo Masar ka cabsi qabto in uu saameyn xun ku yeesho sahayda biyaha Webiga Nile.
Dhawaaqa danjiraha ayaa la filayaa inuu sii huriyo doodaha diblomaasiyadeed ee gobolka, xilli Itoobiya ay wado howlihii biyo-xireenka, halka Masar ay taageero ka raadinayso waddamada Carabta si ay cadaadis ugu saarto Addis Ababa.