Soomaaliya oo ka baxday liiska 10-ka dal ee ugu amniga xun caalamka – GPI 2025

3

 Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay sanadihii la soo dhaafay ka baxday liiska tobanka dal ee ugu amniga xun caalamka, sida lagu sheegay warbixinta cusub ee Global Peace Index 2025, taas oo calaamad u ah horumar laga gaaray xasilloonida iyo nabadeynta dalka.

Sida lagu xusay war kasoo baxay dowladda, kororka darajada Soomaaliya ee tusmada nabadda adduunka ayaa la xiriira dadaalka geesinimada leh ee Ciidanka Xoogga Dalka, adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyo taageerada joogtada ah ee laga helayo saaxiibada caalamiga ah.

“Waxaan aaminsanahay in guushan ay ka tarjumeyso geesinimada ciidamada, dulqaadka shacabka, iyo garab istaagga saaxiibada aan leenahay,” ayaa lagu yiri bayaan dowladda kasoo baxay maanta oo Khamiis ah.

Global Peace Index, oo ay sanad walba daabacdo Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (IEP), ayaa qiimeeya dalalka dunida iyadoo la eegayo heerarka amniga, khilaafaadka gudaha iyo dibedda, xasiloonida siyaasadeed, iyo miisaaniyadda militari. Soomaaliya ayaa si joogto ah uga mid ahayd dalalka ugu hooseeya tan iyo markii tusmadan la bilaabay 2007.

Horumarka sanadkan ayaa yimid kadib howlgallo xooggan oo ciidamada dowladda ay ka wadeen bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, iyo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo maamulka heerarka hoose.

In kasta oo caqabado amni ay weli taagan yihiin, haddana kororka darajada Soomaaliya ee tusmada nabadda ayaa loo arkaa rajo cusub iyo calaamad muujinaysa in waddanku ku socdo waddada nabadda iyo dib-u-dhiska.