Maraykanka: Guddiyo soo jeediyay in Somaliland laga qaado digniinta safarka ah

2

Guddoomiyayaasha labo guddi oo Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la dagaallanka Xisbiga Shuuciga Shiinaha, ayaa ku boorriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay Somaliland ka saarto digniinta safarka ee guud ee Soomaaliya. Waxay ku doodayaan in talaabadan ay muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, dhiirrigeliso maal-gashiga Mareykanka, isla markaana ka caawiso Mareykanka inuu ka hortago saameynta Shiinaha ee Geeska Afrika.

Qoraal ay u direen Wasiirka Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ayaa lagu sheegay in digniinta safarka ee Soomaaliya oo dhan ay carqaladeynayso booqashada, ganacsiga, iyo maal-gashiga Somaliland, halka dhanka kale Somaliland ay leedahay dowlad dimuqraadi ah oo xasiloon, ammaan ka ilaalisa burcad-badeedda iyo falalka argagixisada, sidoo kalena ilaalisa badaha ku hareeraysan, sida ay sheegeen.

Labada xildhibaan, John Moolenaar iyo Chris Smith, waxay ku doodayaan in digniin safar oo gaar ah oo Somaliland loogu talagalay ay dhiirrigelin doonto ganacsatada Mareykanka, gaar ahaan fursadaha macdanta muhiimka ah sida lithium iyo copper. Waxay sidoo kale tilmaameen in dalalka kale ee Afrika lagu sameeyo talooyin safar oo gaar ah, sida Kenya iyo Itoobiya.

Qoraalku wuxuu kaloo sheegay in talaabadan ay ka caawin karto Mareykanka inuu iska ilaaliyo saameynta Shiinaha ee gobolka, gaar ahaan saldhigga milatari ee Beijing ee Jabuuti iyo taageerada ay Shiinaha siiso weerarada Houthi ee Badda Cas. Waxay sidoo kale sheegeen in Somaliland ay la shaqeyso dalal dimuqraadiga ah sida Taiwan iyo Israel, gaar ahaan caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ammaanka badda