Madaxda Mandheere oo weli ka walaacsan ciidanka Jubbaland ee ku sugan gudaha Magaalada

3

Qaar kamid ah Mas’iiliyiinta laga soo doortay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa mar kale walaac ka muujiyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubaland oo la sheegay inay dhex degeen dadka ku nool magaaladaas.

Ciidamadan ayaa soo galay Mandheera ka dib ku dhowaad muddo bill aga joogo markii uu dagaal u uku dhex maray ciidamada Federaalka magaalada Beled-Xaawo oo xuduud la leh magaaladaas.

Xildhibaan Xuseen Weytaan oo laga soo doortay Bariga Mandheera ayaa sheegay in ciidamadan ay dhib fara badan ku hayaan bulshada.