Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka qaranka Itoobiya (ETV) oo la baahiyay 1-da Sebteembar, ku sheegay in “khaladkii” Itoobiya ka gashay ka tanaasulka dekedda Casab ee Eritrea “la sixi doono berri.”
Abiy Axmed ayaa tilmaamay in Itoobiya muddo dheer ay ku guul darreysatay inay ka faa’iideysato Webiga Niil iyo adeegyada uu bixin lahaa, sidoo kalena ay muddo 30 sano ah joogteysay marin badda Cas ah, taas oo uu ku tilmaamay taariikh dhow oo ah mid shalay dhacday.
“Khaladkii shalay la sameeyay berri waa la sixi doonaa, mana aha arrin adag,” ayuu intaa ku daray, isagoo wareysiga ku yeeshay meel u dhow biyo-xidheenka Niil.
Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helidda marin badda Cas ayaa kiciyay xiisad cusub oo u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, taas oo madaxda Eritrea ay hore ugu tilmaameen “ajende sun ah oo dhul sheegasho ah.”
Ethiopia oo ah dal aan badda lahayn, ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Eritrea, gaar ahaan dekedda Casab, balse xiriirkooda ayaa hoos u dhacay kadib dagaalkii labada dal ee 1998-2000.