Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qaranka Masar ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, iyaga oo u kuurgalaya xaaladda amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aysan halkaas imaan guutada cusub ee ciidanka Masar ee ku biiraya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Sareeye Gaas Islam Radwan, ayaa waxaa si rasmi ah Taliska Qaybta 5-aad ee Jowhar ugu soo dhaweeyay Taliyaha guutada ciidanka Burundi ee AUSSOM, G/Sare Oscar Hatungimana.
Intii uu socday booqashada, wafdiga Masar ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay G/Sare Hatungimana iyo saraakiisha la socotay, taasoo ku saabsanayd xaaladda guud ee ammaanka iyo baahiyaha dhanka amniga ah ee ka jira xarumaha muhiimka ah.
Markii ay dhageysteen warbixinta, wafdigu waxa ay kormeereen xarumo istaraatiiji ah oo ku yaalla gudaha Garoonka Jowhar, si loo hubiyo diyaar garowga iyo habsami u socodka hawlgalka ciidankooda ee la filayo inay si rasmi ah ugu biiraan howlgalka AUSSOM.
Imaanshaha guutada cusub ee Masar ayaa lagu wadaa inay qayb weyn ka noqoto xoojinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo kaalin ka qaadan doona sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada muhiimka ah.