Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada dowladda federaalka ee lagu barakiciyay boqolaal qoys oo daganaa xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay arrin culays weyn ku ah dadka rayidka ah.
Dadka laga barakiciyay Muqdisho ayaa intooda badan ku noolaa dhul danguud ah, balse wararka ayaa sheegaya in dhulkii ay degganaayeen loo wareejiyay ganacsato gaar ah, taasoo dhalisay caro xooggan oo bulshada dhexdeeda ah.
“Dadkii magaalada deganaa ayaa la dul dhigay culeysyo iyo cadaadis aan loo meel dayin. Waxaan ugu baaqayaa dowladda inay joojiso barakicinta shacabka oo ah kuwa danyarta ah ee aan haysan meel kale oo ay u guuraan,” ayuu yiri Kheyre.
Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa sheegtay in ay kordhisay kulamada iyo la-tashiyada ay la yeelaneyso qoysaska barakacay, si loo fahmo baahiyahooda loona raadiyo xal waara.
Dowladda federaalka ah weli kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira barakicinta ama qorshayaal lagu xalinaayo dhibaatada dadka laga raray guryahooda ee ku nool Muqdisho.