kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa Xalay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ku dilay Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ah magaalada Baladxaawo.
Dableyda geysatay dilka Nabadoonka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen Nabadoonka, mana la oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.
Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Shire Cabdul Keynan ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Nabdoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa nabadeynta gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baladxaawo.
“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay Degmada Beled-xaawo oo ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsana Golaha Guurtida Degmada Waxaa si gaar ah ugu tacsiyaynayaa Qoyska, qaraabada, salaadiinta dhaqanka iyo dhammaan bulshada ree balad-xaawo waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo Nabadoonka Qabrigisane allaha u waasiciyo!” ayuu yiri guddoomiye Shire Cabdul Keynan.
Allah u naxariista dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay gobolka Gedo ay ka jireen khilaafaad siyaasadeed adag oo u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland iyo waliba falal amni daro ah oo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan.