Waxaa isa soo taraya walaac laga qabo qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aaddan doorashada qof iyo cod, iyadoo mucaaradka iyo qaybaha bulshada ay ku eedeeyeen dowladda in aysan si cad u muujin qorshe waqtiyeysan oo doorasho lagu gaari karo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay in aan la sameyn doonin muddo kororsi, islamarkaana dowladda ay ka go’an tahay in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa shaki gelinaya arrintaas, iyagoo ku eedeeyay Villa Soomaaliya inay ka leexatay heshiisyadii hore ee doorashooyinka.
Ilaa hadda, doorashooyinka dowladaha hoose lama bilaabin, halka waqtiga ka haray muddo xileedka dowladda uu yahay ku dhowaad 8 bilood.
Arrintan ayaa sii xoojisay tuhunka mucaaradka ee ah in Villa Soomaaliya ay waddo qorshe aan la shaacin oo la xiriira sidii xilka loogu sii jiri lahaa.
Mucaaradka ayaa sheegay in muranka Dastuurka la beddelay iyo doodaha siyaasadeed ee socda ay yihiin xeelado lagu mashquulinayo shacabka, si aan loo dareemin qorshaha dhabta ah ee dowladda wado.
Dowladda dhexe weli kama aysan jawaabin eedeymahaas si rasmi ah, balse shacabka iyo madaxda siyaasadeed ee dalka ayaa isha ku haya tallaabooyinka xiga ee Villa Soomaaliya.