Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya oo ka digay aqoonsiga Somaliland

3

Kani Torun, oo ah diblumaasi iyo safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo sharci ahaan lagu aqoonsan karo Somaliland, oo qayb ka ahayd Soomaaliya ka hor intaanay ku dhawaaqin gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.

Torun ayaa ku dooday in waxa keliya ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin ay yihiin qabiil iyo federaal, balse arrintaasi si buuxda looga gudbi karo haddii dhinacyadu ka tanaasulaan mowqifyada adag oo ay qaatan midnimada diinta iyo afka ay wadaagaan.

“Madaxbannaanida Somaliland macno ma samaynayso marka laga eego jinsiyadda, diinta, mazhabta iyo luqadda. Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya farqi kuma jiraan qodobadan. Farqiga kaliya waa qabiilka iyo federaalka, kuwaas oo si fiican ugu shaqayn kara Soomaaliya oo dhan. Haddii qabiil kasta dawlad u gooni ah la siiyo, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 dal,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, Torun waxa uu ku adkaystay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay xalliso dhibaatooyinka amniga si ay u hesho kalsooni siyaasadeed oo dhammaystiran, loona gaaro nabad waarta kadib 30 sano oo colaado ah. Tani waxa ay ku jirtaa la dagaallanka Al-Shabaab oo weli khatar weyn ku haya xasilloonida dalka.

“Haddaba, mushkiladda ugu weyn ee arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waa Muqdisho. Haddii Muqdisho xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amniga ee gobollada kale, Somaliland ma heli lahayn sabab adag oo ay ku doodo. Sidaas darteed ku eedeynta Somaliland waxba ma tarayso, ee aynu Muqdisho ka shaqeysiino,” ayuu yiri.

Hadalladiisu waxay lamid yihiin kuwii safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya Larry Andre, kaasoo sheegay in aqoonsiga degdegga ah ee Somaliland uu dhalin karo xasillooni darro dheeraad ah. Waxaase uu soo jeediyay in Maraykanku ka furan karo qunsuliyad magaalada Hargeysa si ay ugu fuliso adeegyada diblomaasiyadeed.