Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cali Yaasiin Gurbe u Magacaabay Agaasimaha Guud ee TUBSAN

3

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u magacaabay Mudane Cali Yaasiin Gurbe inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Fikirrada Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (TUBSAN).

Magacaabistan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo xukuumadda DanQaran ay mar kale muujisay sida ay mudnaan gaar ah u siineyso la-dagaallanka aragtiyaha xagjirka ah ee khatarta ku ah midnimada, nabadda, iyo amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in magacaabista Cali Yaasiin Gurbe ay qeyb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo hay’adaha ka shaqeeya amniga maskaxda iyo ilaalinta fikirka bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu u rajeeyay Agaasimaha cusub in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Xarunta, si ay u noqoto tiir adag oo kaalin muuqata ka qaata la-dagaallanka Khawaarijta.

Xarunta TUBSAN ayaa ah hay’ad qaran oo si gaar ah u qaabilsan ka hortagga iyo ciribtirka fikradaha xagjirka ah, iyadoo la shaqeysa hay’adaha amniga, waxbarashada, diinta iyo bulshada rayidka ah.