Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ku hambalyeeyay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bar
Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay, gaar ahaan dhammaystirka doorashada, hoggaaminta Golaha Baarlamaanka, iyo dheelli-tirka dowladnimada Waqooyi Bari.
Sidoo kale, Madaxweynaha hore ayaa bogaadiyay xildhibaanada, guddiga kumeelgaarka ahaa iyo guddoonkii hore ee doorashada, isaga oo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u dhammaystireen howsha doorashada guddoonka Baarlamaanka.