DFS oo Wajahaysa Waqti Xasaasi ah Iyadoo Doodaha Dastuurka iyo Doorashooyinka Ay Kulul Yihiin

4

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa haatan ku jirta bartamaha sanadkii afaraad ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah, waxaana uga harsan xilka qiyaastii 8 bilood, xilli ay bilaabmeen doodaha adag ee la xiriira doorashooyinka iyo wax-ka-bedelka dastuurka.

Doodahan ayaa ah kuwo ay si weyn uga qayb qaadanayaan dhinacyada siyaasadda ee saamileyda, kuwaasoo doonaya in heshiis siyaasadeed laga gaaro arrimaha muhiimka ah ee horyaalla dalka. DFS ayaa horay u qaaday tallaabooyin la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo qorsheyaasha doorashada, inkasta oo weli khilaafyo ay jiraan.

Mucaaradka qaar, oo muddo dheer dadaal ugu jiray in ay miiska wada-hadalka la fariistaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in illaa shan jeer ay la kulmeen Madaxweynaha gudaha Villa Soomaaliya, balse kulamadaasi aysan wax natiijo ah dhalin.

Kadib fashilkaasi, toddobaadkii hore ayaa qaar kamid ah mucaaradka jeediyeen qudbado kulul, iyagoo fariin cad oo toos ah u diray madaxda DFS, una muujiyay in ay jiraan walaac weyn oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka, oo ka jawaabayay eedeymaha mucaaradka, ayaa dhankooda qaaday weerar afka ah oo si adag uga falceliyay hadallada mucaaradka, taasoo sii hurisay xiisadda siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in jawaabaha DFS aysan muujin wax tanaasul ama sariigasho ah.

Doodaha iyo xiisadaha siyaasadeed ee haatan socda ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah, iyadoo la sugayo go’aanada ugu dambeeya ee ku saabsan qaabka doorashada soo socota iyo diyaarinta dastuur dhammeystiran.