Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, isaga oo amarkaasi ku sheegay mid rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Axmed Fiqi ayaa sidoo kale si adag u dhaliilay qaar ka mid ah madaxda hore ee dalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaareyaashii hore, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee hadda taagan.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in eed loo jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, oo uu ku tilmaamay in uu ciidamo geliyay xaruntii Baarlamaanka xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.