Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Mucaaradka Dowladda aysan lahayn aragti mideysan ay kaga soo hor jeedaan Dowladda

0
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr ah, islamarkaana lagu dhiso axsaab siyaasadeed oo leh aragti cad.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in mucaaradka hadda jira aysan ahayn koox mideysan oo leh aragti horumarineed oo qaran, Isagoo tusaale u soo qaatay xilligii uu isagu mucaaradka ka tirsanaa 2022, wuxuu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo mucaaradkii markaa iyo midka hadda.

“Mucaaradkii aan ka tirsanaa 2022 iyo kan maanta jira waa laba kala duwan Ma jiro wax aragti mideysa, Qof walba jiho gaar ah ayuu u socdaa, taasina horumar ma kkeento” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen shan kulan oo u dhexeeyey dowladda iyo midowga mucaaradka ee loo yaqaan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” taasoo muujinaysa kala fogaanshaha dhinacyada.

Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasoo gabagabeeyo dastuurka dalka, taasoo ah ballan uu hore u qaadag xilligii doorashada, Sidoo kale, wuxuu mar kale caddeeyey in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah:

“Waa in aan ka gudubnaa caqabadaha hadda taagan, sida dhamaystirka dastuurka iyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.”

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Madaxweynaha uga jawaabayo walaac ay mucaaradku ka muujiyeen sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhanka diyaarinta doorashada qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka kaliya, lagana guuro nidaam ku dhisan dano gaar ah.

“Waa in aan ka guurno siyaasadda ay dadka keliya iska wataan, oo aan dhisno axsaab siyaasadeed oo ku dhisan mabda’ iyo aragti cad.” Ayuu yiri Xasan Sheekh

Wuxuu intaas ku daray in nidaamka axsaabta dhabta ah uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli kala aragti duwanaansho weyn ay ka taagan tahay jihada uu dalka u socdo, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, Inkastoo mucaaradku ay weli walaac ka qabaan arrimo ay kamid yihiin daahfurnaanta iyo fulinta ballanqaadyada dowladda.