Habraaca Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo la Shaaciyey

2

Guddiga doorashada guddoonka golaha baarlamaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyey habraaca doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka.

Waxuu sheegay in qof kasta oo isu taagaya jagada guddoomiye ama ku xigeen looga baahan yahay inuu bixiyo lacagaha soo socda:

  • Guddoomiye baarlamaanka (nin): 5000$
  • Guddoomiye baarlamaanka (haween): 2500$
  • Guddoomiye ku xigeen: 3000$
  • Guddoomiye ku xigeen (haween): 1500$

Guddiga qabanqaabada doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashadu dhici doonto 23-ka Agoosto 2025, iyagoo sidoo kale faahfaahiyay shuruudaha maaliyadeed ee musharixiinta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa guddigan doorashada u dardaarmay inuu si hufan oo caddaalad ah u qabto howsha doorashada.