Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada Maxamuud Salaad Warsame ayaa shir-guddoomiyay fadhiga 1-aad ee ee kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari.
Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa Magcaabista Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dawalad Goboleedka Waqooy Bari Soomaaliya.
Xil: Axmed Cabdi Cali (Guddoomiye)
Xil: Cabdi Ismaaciil Axmed Barkuud (Guddoomiye ku-xigeen)
Xil: Cabdikariin Cali Ismaaciil (Xoghaye)
Xil: Siciid Dalmar Faarax ( Xubin)
Xil: Maxamed Maxamuud Cali ( Xubin)
Xil: Guuleed Maxamed Nuux ( Xubin)
Xil: Axmed Cali Xuseen ( Xubin)
Guddoomiyahana ayaana faray guddiga in ay sida ugu wanaagsan uguna deg-dega badan uga shaqeeyaan hawlaha doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Ugu dambayn, waxaa fadhiga maanta soo xidhay Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.