Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Xasan Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in aanay jirin wax qasab ah oo lagu sameeyay dadkii is-diiwaangeliyay doorashada deegaanka ee ka socotay caasimadda, isagoo tilmaamay in dadka Muqdisho ay si iskeed ah ugu soo baxeen is-diiwaangelinta.
Muungaab oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xusay in ku dhowaad hal milyan oo qof ay is-diiwaangeliyeen, isla markaana aanay jirin hal qof oo si khasab ah loo diiwaangeliyay.
“Waxaan si cad u sheegayaa, in dadka Muqdisho aysan u baahnayn in la qasbo si ay u is-diiwaangeliyaan. Dadka waxay u yimaadeen si xor ah, rabitaankooda ayay ku muujiyeen. Hal qof oo la qasbay ma jiro,” ayuu yiri Muungaab.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan eedeymo uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah shacabka, kuwaas oo sheegaya in ciidamo lagu soo daadiyay magaalada Muqdisho ay dadka gaadiidka uga dejinayeen waddooyinka, kuna khasbayeen in ay is-diiwaangeliyaan.
Muungaab ayaa si adag u beeniyay eedeymahaasi, wuxuuna ku tilmaamay “warar la siyaasadeeyay oo lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada deegaanka.”
Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee noocan ah oo si rasmi ah uga dhacda Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in ay horseeddo nidaam degmooyin leh oo lagu maamulo caasimadda.