Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku qabtay xaflad xil-wareejin ah saldhigga Kelley Barracks ee magaalada Stuttgart, Jarmalka.
Jeneraal Michael E. Langley oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Jeneraal Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Ciidanka Cirka.
Xafladda waxaa guddoomiyay Admiral Christopher Grady, ku-xigeenka guddoomiyaha guud ee ciidamada Mareykanka (Joint Chiefs of Staff). Admiral Grady ayaa sheegay in AFRICOM ay door muhiim ah ka ciyaarto sugidda amniga qaranka Mareykanka iyo dhisidda iskaashi amni oo waara oo lala yeesho waddamada Afrika.
“Qaaradda Afrika waxay leedahay dhaqaale si xawli ah u koraya iyo bulsho dhalinyaro ah oo fursad u leh horumar dimuqraadi ah. Isla markaana, waxay noqotay goob tartan milatari oo ay kusoo hirtaan kooxo xagjir ah iyo quwado shisheeye oo tijaabinaya adkeysiga Mareykanka,” ayuu yiri Grady.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in Mareykanku sii joogayo gobollada muhiimka ah sida Geeska Afrika, Galbeedka Afrika, iyo Saaxil-ka, isagoo ku adkeystay in iskaashiga lala yeesho waddamada Afrika uu yahay furaha xasilloonida gobolka.
Jeneraal Anderson ayaa ah taliyaha lixaad ee AFRICOM tan iyo aasaaskii taliska, isagoo xilka kala wareegay Jeneraal Langley oo hogaanka hayay tan iyo 2022.