Xiisad dagaal ayaa cirka isku shareertay degmada Mandera ee waqooyi bari Kenya, kaddib markii dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Jubaland ka qarxay dhawaan gobolka Gedo, gaar ahaan Beled-Xaawo.
Fiidnimadii Arbacadii, haweeney lagu magacaabi jiray Fatuma Madnur Maxamed oo 44 jir ahayd ayaa ku dhimatay qarax ka dhashay miino oo ka dhacay beerteeda ku taalla deegaanka Bulla Xaawo ee xadka Kenya iyo Soomaaliya. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawac culus u geystay gabadheeda Asman Maxamed Nuur, oo 11 jir ah.
Tan iyo intii uu dagaalku billowday bishii hore, labada ciidan ee isku haya Gedo ayaa si isdaba joog ah ugu soo gudbay dhanka Mandera ee Kenya, halkaas oo ay iskugu yimaadaan, si ay isagu abaabulaan kadibna dib ugu laabtaan furinta dagaalka.
Fatuma ayaa ku dhimatay goobta markii ay isku dayeysay in ay hubiso waxa uu yahay walaxda ay gabadheeda keentay, taas oo markii dambe ku qaraxday.
Taliyaha booliska ee gobolka, Robinson Ndiwa, ayaa dadka deegaanka uga digay in ay taabtaan ama u dhowaadaan walxaha ay u arkaan kuwo laga shaki qabo.
Gobolka Gedo ayaa hoos taga maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), hase yeeshee Dowladda Federaalka ah ayaa dhowaan dib ula wareegtay magaalooyin muhiim ah sida Balad Xaawo.
Boqolaal qof ayaa u qaxay gudaha Kenya tan iyo markii uu dagaalku bilowday, waxaana si ku-meel gaar ah loogu daadgureeyay xerooyin ay maamulaan Bisha Cas ee Kenya, kuwaas oo ku yaalla dugsiyada hoose ee Duse iyo Barwaaqo ee magaalada Mandera.
Dagaalka ayaa sababay dhimashada Taliyihii Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo, Col. Xuseen Giif, iyo askar kale, kadib weerar ay ciidamada DFS ku qaadeen xerada Tuulo Amiin. Askar ka tirsan Jubbaland ayaa ka baxsaday weerarka, qaarna waxay u gudbeen dhanka Kenya iyo Itoobiya.
Waxay ugu baaqeen shacabka in ay soo sheegaan cid kasta oo hurinaysa colaado beeleed ama ku lug leh falal argagixiso.