Maamulka Israel ayaa wadahadallo la leh dalalka Indonesia, Uganda, Suudaanta Koonfureed, Libya iyo sidoo kale Maamulka Somaliland si ay u aqbalaan Falastiiniyiinta laga barakiciyay Marinka Gaza, sida ay sheegtay Channel 12.
Maamulka Somaliland ayaa muujiyay furfurnaan ku aaddan in ay aqbalaan dib u dejin Falastiiniyiinta si iskood ah uga baxaya Gaza, inkastoo aysan jirin wax heshiis rasmi ah oo illaa hadda la gaaray.
Indonesia waxay si cad u sheegtay in kaalinteeda ay tahay mid bani’aadamnimo oo kaliya, isla markaana aanay oggolayn in Falastiiniyiinta lagu soo daabulo dalkeeda.
Bishii Abriil 2025, Madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto wuxuu ku dhawaaqay in Indonesia ay u diyaar u tahay daaweynta ku dhowaad 1,000 dhaawac ah iyo agoomo ka yimid Gaza, kuwaas oo lagu celin doono Gaza markii ay bogsadaan.
Bishii Agoosto, dowladda Indonesia waxay sheegtay inay dib u furayso xarun caafimaad ku taalla Jasiiradda Galang si ay u daweeyaan ilaa 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Qoysaskooda ayaa sidoo kale loo oggolaan doonaa inay la joogaan inta daweyntu socoto, balse dhammaantood waa la celin doonaa marka ay caafimaadaan.
Waxaa sidoo kale si cad ayay u diideen in ay aqbasho Falastiiniyiinta laga barakiciyay Gaza, iyagoo intaasi ku daray in aysan aqbalayn in dalkooda lagu soo raro Falastiiniyiin, waxaana ay ku tilmaameen arrintaas mid khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida dalka.
Dadka reer Gaza badankood waxay u arkaan in qorshahan uu yahay isku day lagu barakicinayo, iyadoo laga fogaynayo dhulkooda hooyo. Waxaa la sheegay in qaar badan ay doonayaan inay ka baxaan si ku-meel-gaar ah, balse aysan diyaar u ahayn in ay si joogto ah u dagaan dal kale. Sidoo kale, waxaa jirta cabsi ah in Israel ay isku daydo inay qabsato Gaza mar haddii dadkii deganaa la barakiciyo.