Dagaal culus ayaa saaka waaberigii ka qarxay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, kaddib salaaddii Subax, Israsaaseynta ayaa u dhaxaysa ciidanka dowladda iyo dad shacab ah oo hubeysan kuwaasoo ka mudaharaadayay barakicin xoog ah.
Goobta uu dagaalku ka socdo ayaa ah garoonka Horseed ee ku yaalla agagaarka Tarabuunka, goob horey u ahaan jirtay xarunta kooxda kubadda cagta ee Ciidanka Milateriga Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in rasaas culus laga maqlayo xaafadda iyo in ciidamada ammaanku si weyn u joogaan halkaasi, Dad badan ayaa bilaabay in ay guryahooda ka qaxaan ama ay gudaha ku xanibmaan cabsi darteed, Dagaalka ayaa salka ku haya muran dhuleed iyo barakicin lagu sameynayo dadka deegaanka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay ama xaaladda hadda lagu sugan yahay, mana jirto ilaa iyo hadda wax waan waan ah waxaana wali is hor fadhiya labada dhinac ee degmada Hodan ku dagaalamay.
Qaar kamid ah isbitaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirada dhalinyaro kamid noqotay dadkii ku nafwaayay dagaalka oo la sheegay in guryahoodi ay xabadda wiiftada ay ugu tagtay.
Wixii warar ah ee kasoo kordha xiisada ka taagan aaga Tarabuunka, Wararkeeni dambe ayaad kula socon doontaan.