Bangiga Adduunka oo ansixiyay gargaar dhaqaale oo labaad oo gaaraya $125 milyan oo loogu talagalay Soomaaliya

3

Guddiga Maamulka Sare ee Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday maalgelin labaad oo Soomaaliya loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta, taas oo lagu bixinayo deeq dhan $125 milyan, iyadoo ay bixineyso Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA).

Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay bogga wararka ee “Larolav”, tallaabadan cusub ayaa ah wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij loogu talagalay kor u qaadidda adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la taageerayo maamul wanaagga maaliyadda guud, iyo sidoo kale horumar waara oo loo sameeyo qaybta gaarka loo leeyahay.

Qaybtii hore ee maalgelintan oo ahayd isla $125 milyan ayaa la meel mariyay sanadkii 2024.
Hideki Matsunaga, oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in maalgelintan cusub ay muujinayso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn muhiim ah oo dhanka hay’adaha ah, taasoo gacan ka geysaneysa dhisidda dawlad deggan iyo xoojinta heshiiska bulshada.

Maalgelintan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa, Xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dowladda, iyada oo loo marayo kordhinta dakhliga canshuuraha, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka dowladda.

Sidoo kale Yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, Maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo, si loo ballaariyo helitaanka koronto, iyadoo la hiigsanayo in la gaaro awood wax-soo-saar koronto oo dhan 50 megawatt dhammaadka sanadkan 2026.

Dhinaca horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, barnaamijku wuxuu xoogga saarayaa, Horumarinta maalgelinta yar-yar (microfinance), Abuurista hannaan caymis oo looga hortago abaaraha iyo Dhiirrigelinta maalgelinta qaybta kalluumeysiga, si loo kordhiyo dhoofinta badeecooyinka badda.

Dhammaan dadaalladan waxay qeyb ka yihiin iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya ee lagu dejiyay qorshaha sanadaha 2024 ilaa 2028, waxaana la fulinayaa iyada oo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha horumarka caalamiga ah.