Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Hoygiisa ku Booqday Garaad Jaamac

3

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa booqasho sharafeed ku tagay hoyga Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, oo ka mid ah isimada waaweyn ee dhaqanka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa ahaa mid salaan, is-xogwaraysi iyo kala warqaadasho ku saleysan, iyadoo diiradda la saaray arrimaha la xiriira dadaallada socda ee dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa lagu lafa-guray doorka muhiimka ah ee ay hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin nabadaynta, xasillinta iyo mideynta bulshada deegaanka.

Wasiir Cali-Xoosh ayaa xusay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda iyo dhaqanka, si loo helo hannaan dowlad-dhis oo loo dhan yahay.

Garaad Jaamac ayaa dhankiisa soo dhoweeyay booqashada wasiirka, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la isugu keeno dhinacyada kala duwan ee bulshada, si loo dhiso maamul u adeegaya danaha shacabka.