Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.
Dhismahan cusub ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah abaabulka, tababarka iyo howlgalada ciidamadeenna geesiyaasha ah.
Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ka mid ah laf-dhabarta difaaca dalka, waxaana la filayaa in xeradan cusub ay sare u qaaddo waxqabadka, isku-duubnida iyo hufnaanta shaqo ee guutadan muhiimka ah.
Geesta kale, Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dhismaha xeradan cusub ee ay yeelanayso Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ku jira dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo cadawga Ummadda Soomaaliyeed.