Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ayaa sheegaya in Hadda xaalada ay degan tahay ,ka dib markii subaxnimadii hore ee Saaka dagaal culus oo la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan uu halkaasi ku dhexmarey ciidamada D fee soomaaliya iyo kuwa jubaland.
Dagaalka oo ah mid aad u xooggan ayaa Waxaa uu ka dhacay Tuulada Bulo Amiin oo ka tirsan degmada Baladxaawo oo fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada Jubaland,waxaa jir khasaaro dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaarey labada dhinac,inkastoo Ciidamadii jubaland laga saarey Tuulada Bulo Amiin oo Baladxaawo 3 km kaga toosan dhanka Waqooyi.
Ugu horeen Xaalada dagaalka saaka ka dhacay degmada Baladxaawo iyo sida ay tahay Xaalada waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Degmada Baladxawo Shire Abdull Keynan
Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka hadlayey Dagaalka Saaka ka dhacay Bullo Amiin iyo guusha ay gaareen Ciidamadooda,waxuuna hinaca kale Codsi baaq uu u jeediyey Dowlada Kenya in ay ku soo wareejiso Gaadiid Dagaalka oo Jubaland saaka ay ula gudubtey dhinaca Xuduuda.
Ugu dambeyntii dagaalka maanta markale dib uga qarxay duuleedka magaalada Baladxaawo ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ciidanka dowladda si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.