Warar soo baxay ayaa Sheegaya in Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan abaabul mooshin xilka looga tuurayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, marka uu furmo kalfadhiga Golaha Shacabka.
Mooshinkan oo ay diyaarinayaan xildhibaanno ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ayaa lagu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha fashil dhinaca siyaasadda ah, waxaana ololahan xooggan ee socda waxaa uu yahay qorshihiisa sidii uu u noqon lahaa mid Baarlamaanka ayna meel mariyaan.
Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wadaan dadaallo lagu fashilinayo mooshinka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha, C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo ka falceliyay abaabulka socda, ayaa sheegay in qaylada ka jirta baraha bulshada ay shacabka ku filan tahay in ay ka jawaabaan, isaga oo ku eedeeyay mucaaradka “tabar la’aan” isla markaana tilmaamay in haddii ay awood hayn lahaayeen ay arrinta ku sugi lahaayeen fagaaraha Baarlamaanka.
Mooshino la mid ah kan hadda socda ayaa hore loogu doonay in xilka looga qaado Xamse Barre, hase ahaatee waxay ku dhammaadeen fashil, kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay gashay dadaallo ka dhan ah