Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in uu ka fiirsanayo arrinta aqoonsiga Somaliland

2

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd waxa uu ka yeelayo aqoonsiga Somaliland oo la sheegay in laga yaabo in dibu-dajin loogu sameeyo dadka reer Qasa, ayaa sheegay in ay “arrintaa hadda gacanta ku hayaan.”

Madaxweynaha ayaa su’aashan la waydiiyay xilli uu xalay heshiis nabadeed u kala saxeexayay madaxda waddamada Asarbajan iyo Arminiya, oo muddo dheer colaad ka dhexaysay. Wuxuu sheegay in arrinta Somaliland miiska saaran tahay, isla markaana ay ku hawlan yihiin go’aanka laga gaadhi doono.

“Arrintaa gacanta ayaanu ku haynaa hadda, waa su’aal wanaagsan, waa xaalad kale oo murugsan, laakiin hadda waanu ka shaqaynaynaa arrintaa, arrinta Somaliland,” ayuu ku jawaabay Trump.

Hadalka Trump ayaa imanaya kadib markii dhawaan uu warbaahinta Maraykanka qabsaday heshiis soo jiitay dhagaha shacabka iyo siyaasiyiinta Maraykanka, oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Washington ugu soo bandhigay in uu la galo heshiis dhanka macdanta ah, isla markaana Maraykanku saldhig ku yeesho Berbera, taa badalkeedana uu aqoonsado Somaliland.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in tallaabada Cirro ay soo jiidan karto Trump, maadaama uu yahay madaxweyne ku wanaagsan heshiisyada, isla markaana jecel in uu talaabo kasta oo uu qaadayo ka dhex eego danaha Maraykanka.

Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka haya uu si toos ah warbaahinta ugaga hadlo arrinta Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Trump uu yahay shakhsi maskax ganacsi leh oo ay wada macaamili karaan. Mar kale waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in Maraykanku noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.

Somaliland, oo kamid ah meelaha ugu deggan Geeska Afrika, uguna dimuqraadsan, ayaa aqoonsi caalami ah raadinaysay tan iyo sannadkii 1991, markaas oo ay ku dhawaaqday in ay ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, kadib dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu khatar ku yahay madaxbannaanideeda, iyadoo xustay in aan marnaba la kala goyn karin Somaliland iyo Soomaaliya. Go’aanka gooni-isu-taagga Somaliland ayay ku tilmaantay khatarta labaad ee ay Soomaaliya wajahayso, marka laga yimaado argagixisada.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa hadal uu baahiyay dhowr bilood ka hor ku sheegay in aqoonsiga Somaliland uu khatar gelin karo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo Washington ugu baaqay in ay ka joogsato arrinta aqoonsiga.

Kongareeska Maraykanka ayaa dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ugu baaqay in uu si degdeg ah u diyaariyo warbixin faahfaahinaysa sida Maraykanku xidhiidh ugala yeelan karo Somaliland dhinacyada diblumaasiyadda, amniga, iyo horumarinta.

Dhanka kale, waxa Kongareeska horyaalla xeer la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.
Isku geynta dhacdooyinkan ayaa muujinaysa sida uu kor ugu kacay ololaha aqoonsi raadinta Somaliland ee gudaha Maraykanka.