Wasiirkii hore oo khalad weyn iyo ceeb qaran ku tilmaamay inaysan dowladda iska hubin safiiradda ajnabiga

4

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay in aysan si dhab ah u hubin aqoonsiga iyo niyadda diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee dalka loo soo magacaabo.

Cabdirisaaq ayaa hadalkan ku baahiyay bartiisa X, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysa dayacaad weyn oo ka jirta hey’adaha dowliga ah ee qaabilsan arrimaha dibadda. Waxa uu ku tilmaamay arrinta mid “fadeexad qaran” ah oo aan laga aamusi karin.

“Dowladdu waxay ku guuldareysatay hubinta cidda loo aqbalayo inay dalka uga wakiil noqoto dowlado kale. Haddii aan si fudud u oggolaanno danjireyaal leh dano qarsoon, waxaan u furaynaa albaab halis ah,” ayuu yiri wasiirkii hore ee Bartoolka Soomaaliya.

Cabdirisaaq ma uusan xusin magaca danjiraha uu dhaliilay, hase yeeshee, hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli muran ka taagan yahay magacaabista danjiraha cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Dedefo, oo horey u taageeray aragtida gooni-ugoosadka Somaliland kaasoo Madaxweyne Xasan Sheekh shalay ka gudoomay warqadaha aqoonsiga.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu aad u xumaaday sanadkii hore markii Itoobiya ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland, kaas oo doonaysay inay ku hesho marin badeed ay si toos ah ay u maamusho – taasoo ah tallaabo ku xadgudbeysa madax-bannaanida dalka.

Hadalka wasiir Cabdirisaaq ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay taageero u muujiyeen aragtidiisa, halka qaar kalena ay dowladda ugu baaqeen in si cad oo daah-furan uga jawaabto walaacyada laga qabo qaabka ay ula tacaalayso diblomaasiyiinta shisheeye.