Netanyahu oo qabtay kulan amni oo looga hadlayo “qabsashada” dhulka Qaza

2

Warbaahinta Israel ayaa soo xigtay ilo xog ogaal ah oo sheegaya, in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, uu u dhaqaaqayo “qabsashada Marinka Gaza,” taasoo qayb ka ah la tashiyada socda ee dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee Israa’iil sida siyaasadda, amniga, iyo militariga, ee ku saabsan wejiga xiga ee dagaalka Marinka.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in golaha amniga ee Israa’iil iyo xulumaddaba lagu wado in maalmaha soo socda ay shirar dheeri ah yeeshaan, si ay uga wada hadlaan ballaarinta dagaalka Marinka Qaza, iyadoo ay jirto khilaaf dhinaca ammaanka ah oo arrintan ku saabsan.

Sida laga soo xigtay maamulka, wada-tashiga amni ee saddexda saacadood qaatay ee dhacay Talaadadii, oo uu guddoomiyey Netanyahu, ayaa looga hadlay qorshe lagu hareeraynayo magaalada Gaza iyo xeryaha ku yaal bartamaha Gaza.

Xigasho:-BBC