Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaasi oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha ku saabsan adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Maareeyaha NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde), Agaasimaha Guud ee HSJ Mustaf Dhuxuloow, iyo howlwadeeno ka kala socday labada hay’adood.
1. Hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka marka la codsanayo Baasaboorka.
2. Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.
4. Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA.
5. Dhisidda hannaan wadajir ah oo adeegyada lagu mideynayo.
Intii uu kulanka socday, waxaa si rasmi ah loo go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, qof walba oo doonaya baasaboorka Soomaaliya looga baahan yahay inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Sidoo kale, laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaallada gudaha dalka waxaa lagu xadidi doonaa Kaarka Aqoonsiga, si loo hubiyo saxnaanta xogta muwaadiniinta.
Labada hay’adood ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu mideynayo adeegyada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, si loo gaaro hufnaan, amni xogeed iyo adeeg dowladeed oo casri ah.