Dibloomaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socota dowladda Turkiga ayaa ku sugan magaaalda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo mas’uuliyiinta Puntland ay hayaan markab hub iyo gaadiid dagaal siday.
Markabka oo lagu magacaabo Sea World, ayaa laga qabtay xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raas Caseyr, kadib markii uu ka baxay dekedda Izmir ee dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Wafdiga Turkiga ayaa la filayaa in ay kulan la qaataan madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si ay uga wada hadlaan arrinta muranka dhalisay ee ku saabsan waxa markabka saaran iyo cidda iska leh.
Markabkan oo wata calanka dalka Comoros ayaa la qabtay 18-kii July, xilli uu ku sugnaa meel u dhow aagga ay muddo sagaal bilood ah dagaalka kula jireen xoogagga Daacish ee Puntland.
Puntland waxay sheegtay in dad ganacsato ah oo Muqdisho ka soo jeeda iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ay labaduba sheegteen in hubka iyo gaadiidka saaran ay iyagu leeyihiin. Sheegashadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sharciyadda shixnadda iyo cidda loogu talagalay.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hubka loo waday xarunta Turkeysom, balse ilaa hadda si rasmi ah ugama aysan bixin dukumenti caddeynaya. Safaaradda Turkiga ayaana weli si rasmi ah u beenin ama u xaqiijin lahaanshaha qalabka saaran markabka.
Puntland ayaa horay walaac uga muujisay in hub si sharci-darro ah dalka ku soo galaan, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Garoowe iyo Villa Soomaaliya.