Maamulka Puntland oo isku diyaarinaya howlgalka Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag

5

Maamulka Puntland ayaa ku hawlan diyaar garowga howlgal milatari oo lagu beegsanayo Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo qalabaysan oo hub kala duwan wata ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan daadgureynta una diyaar garoobaan howlgalkan, sida ay ilo amni oo dhow dhow uga tirsan Puntland u sheegeen warbaahinta.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa hore u balan qaaday in howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Cali Miskaadaad uu xigi doono kan Calmadow ee lagu wajaho Al-Shabaab.

Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa la filayaa in dhawaan loo daabulo degmada xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag, kaasoo ku yaalla badda Cadmeed.

Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in ciidanka PMPF uu saldhig rasmi ah ka furi doono Laasqoray, halkaasoo cutubyo gaashaaman oo ka tirsan ciidankaas dhawaan la geeyn doono.

Wararka ayaa tilmaamaya in saldhigan uu noqon doono midka labaad ee ugu weyn ee ay leeyihiin ciidanka PMPF, ka dib kan Boosaaso, si loo xoojiyo amniga guud ee xeebaha degmada Laasqoray.

Puntland ayaa sidoo kale wadda howlgalka la magac baxay ONKOD, kaasoo looga gol leeyahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, laguna fulinayo buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada loo daabulayo gobolka Sanaag ay ujeedkoodu yahay xajinta gacanta maamulka Puntland ee gobolka, taasoo ka dhan ah dadaallada Dowladda Federaalka ay ku wareejisay maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya, kaasoo dhawaan lagu dhawaaqay magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool.