AUSSOM Oo Beenisay Wararka Sheegaya Khasaarooyin Culus oo Ciidamadeeda Ka Soo Gaarey Dagaalkii Bariire ay kula galeen Al-shabaab

4
awlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si kulul u beeniyay wararka warbaahinta qaarkood ku sheegayaan in khasaarooyin culus ka soo gaareen ciidamadooda dagaal ka dhacay Degaanka Bariire, oo dhanka koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen maanta, AUSSOM ayaa ka jawaabeysa sheegashooyinka kooxda Al-Shabaab ee ku saabsan in la burburiyay gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, iyo in ay ciidamadooda dib uga gurteen Bariire kadib dagaal culus.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ciidamo wadajir ah oo ka kala tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay 1-dii Agoosto fuliyeen howlgal milatari ballaaran si dib loogu qabsado magaalada Bariire.

“Ciidamada AUSSOM iyo CXDS waxaa ka go’an inay dib u xoreeyaan Bariire iyo dhulalka kale ee wali gacanta ugu jira Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dan-jire El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka wadajirka ah wuxuu sababay khasaaro culus oo gaarey kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 50 dagaalame lagu dilay, tiro kalena si daran loogu dhaawacay.

AUSSOM waxay intaas ku dartay inay si buuxda uga go’an tahay in laga saaro kooxaha argagixisada meelaha ay wali ku sugan yihiin, ayna si dhow ula shaqeynayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed si loo adkeeyo amniga guud ee dalka.