Koongareeska Maraykanka oo amray in Maraykanku xidhiidh rasmi ah la yeesho Somaliland

2

Koongareeska Maraykanka ayaa Dowladda Maraykanka ku amray inay soo diyaariso qorshe lagu sameynayo xidhiidh rasmi ah oo lala yeesho Somaliland, iyadoo miisaaniyadda sanad maaliyadeedka 2026-ka lagu faray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka inuu baadho fursadaha iskaashi ee ka dhex dhici kara Maraykanka iyo Somaliland.

Warbixinta lagu lifaaqay hindise-sharciyeedka H.R. 4779 oo ay diyaarisay Guddida Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa faraysa Xoghayaha Arrimaha Dibadda inuu muddo 120 maalmood gudahood ah warbixin u gudbiyo guddiyada khuseeya ee Koongareeska, taas oo iftiiminaysa meelaha ay suuragalka tahay in Maraykanku xidhiidh rasmi ah kala yeesho Somaliland.

“Guddidu waxay faraysaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda inuu warbixin ka diyaariyo fursadaha lagu horumarin karo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, oo ay ku jiraan amniga, diblomaasiyadda, ganacsiga, iyo horumarinta. Warbixintaasna waa inuu ku soo gudbiyaa 120 maalmood gudahood laga bilaabo marka sharcigan la meel mariyo,” ayaa lagu xusay warbixinta.

Tallaabadan sharciyeed ee Koongareeska ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu isu diyaarinayo safar rasmi ah oo uu ku tegayo Washington, D.C., halkaas oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin sare oo Maraykan ah.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashi istaraatiiji ah, oo ay ka mid yihiin in Maraykanku saldhig ka dhigto magaalada Berbera, taas oo loo adeegsan karo ujeeddooyin militari, iyo sidoo kale wada shaqayn la xidhiidha khayraadka muhiimka ah ee macdanta. Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay horseedo xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

“Soo gelinta magaca Somaliland ee miisaaniyadda rasmiga ah ee Maraykanka waxay muujinaysaa isbeddel dhab ah oo ku yimid sida Maraykanku u arko Somaliland,” ayuu yidhi falanqeeye sare oo ka faallooda siyaasadda arrimaha dibadda, sida uu qoray Horn Diplomat. “Tani waxay dhidibada u taagi kartaa iskaashi amni iyo mid diblomaasiyadeed oo qoto dheer – xitaa waxay horseedi kartaa aqoonsi rasmi ah.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa waraysi uu dhawaan siiyay shabakadda Bloomberg ku sheegay inuu doonayo in Maraykanku saldhig ciidan ka sameysto magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera, isla markaana la galo heshiis ay Washington ku helayso macdanta naadirka ah ee Somaliland, beddelkeedana uu Maraykanku aqoonsado Somaliland.

Warbaahinta iyo bulshada Maraykanka ee ku xidhan aaladda X (Twitter) ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Cirro, iyaga oo sheegay in hadalkiisa uu muujinayo in Somaliland aanay doonayn deeq, balse ay doonayso heshiis labada dhinacba ka faa’iidaan.

Dhanka kale, waxa sii kordhaya tirada xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Maraykanka ee taageersan in Washington ay Somaliland aqoonsato. Xeer cusub oo taageeraya aqoonsiga Somaliland ayaa dhawaan loo gudbiyay Aqalka Wakiillada.