Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay xaflad ka dhacday magaalada Laas Caanood ayaa sheegay in dowladda fedetaalka ay gacan ka geysan doonto bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada iyo kan maamulka ee Waqooyi Bari .
Wasiitku waxa uu ka waramay kaalinta dowladda federaalka ay ku laheyd taabagalinta maamulka Waqooyi Bari iyo ahmiyadda uu maamulkaan cusub u leeyahay midnimada qaranka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu u rajeeyay maamulka cusub in ay door muuqda ku yeelan doonaan xasiloonida dalka iyo guud ahaan horumatka dadka iyo dalka.