Madaxweyne Deni oo ka digay khataraha colaadda Gedo iyo burburka dowladnimo ee ka dhalankara

4

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso dagaallada ay ka waddo gobolka Gedo, isagoo sheegay in colaadahaasi ay carqaladeynayaan dadaallada lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inay tahay nasiib darro in dowladda federaalka ay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, taasoo keentay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamadii dowladda dhexdeeda. Wuxuu xusay in arrintaasi sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo barakac baahsan.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda dhexe in caqligu taliyo oo la xushmeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed. Tallaabooyinka haatan socda waxay muujinayaan khatar weyn oo burbur qaran keeni karta, haddii aan laga baaqsan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso colaado sokeeye oo salka ku haya dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga filayay inay ilaaliso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa murugo leh in dowladdii loo igmaday inay difaacdo wadajirka qaranka ay ku mashquulsan tahay abaabulka fowdo iyo dagaallo aan dan guud ka tarayn, iyadoo leh yoolal siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka ay dhaawacayaan kalsoonida iyo taageerada caalamka uu siiyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilli Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno muhiim ah, haddana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay weerarro ka dhan ah deegaanno nabdoon.