Tirada Ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya oo la kordhinayo

4

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Arbacadii shalay kala saxiixday heshiis ogolaanaya in la kordhiyo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya si loo xoojiyo dadaallada xasillinta.

Heshiiska wuxuu hagayaa kordhinta ciidamada qalabka sida ee Jabuuti ee lagu daadgureynayo dhulka Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo mudnaanta ay labada dhinac isla oggolaadeen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib saxiixa heshiiska oo ka dhacay magaalada Jabuuti.

Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiisku qeexayo habraacyada faragelinta, waajibaadka is-dhaafka ah iyo hababka iskaashiga iyo is-koordinaynta, iyadoo lagu saleynayo ruux iskaashi iyo is-ixtiraam.

“Heshiiskani wuxuu muujinayaa sida ay Jabuuti uga go’an tahay taageeridda dadaallada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qayb ka yahay aragti guud oo ku wajahan xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Heshiiskan waxaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Gaashaandhigga KMG ah ee Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in heshiiskani qayb ka yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, iyadoo Jabuuti ay tahay mid ka mid ah dalalka ciidamo ku taageera hawlgalka amni ee Soomaaliya, si gaar ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.